Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Andres Iniesta oo Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga Ah

Andres Iniesta oo dhaliyay goolkii guusha xulka Spain finalkii Koobka Adduunka 2010, ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ka dib markii xulkiisa kasoo hareen tartanka Russia.

34 jirkaan ayaa bedel kusoo galay kulankii Spain qasaaro 4-3 rigoorayaal ah kala kulmeen Russia oo marti galineysa tartanka koobka adduunka.

Iniesta oo ahaa Xiddigii ugu horeeyay ee rigoorada u dhaliyay Spain xalay ayaa 131 kulan usaftay Spain isagoo guud ahaan u dhaliyay 13 gool.

“Waa xaqiiqo inaan ciyaaray kulankii ugu dambeeyay xulka qaranka,” ayuu yiri Iniesta oo ilmeynaya.

Iniesta, oo kulankiisii ugu horeyay u saftay Spain sannadkii 2006, ayaa sidoo kale xulkiisa ka caawiyay inay ku guuleystaan Euro 2008, 2012 iyo koobkii adduunka ee 2010 inta lagu guda jiray 12 sano oo uu matalayay qarankiisa.

Exit mobile version