Sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka ee dalka Kenya dowladda Kenya waxa ay si weyn u adkeysay ammaanka qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Kenya.
Ilaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ay jirto cabsi xoogan oo ku aadan in ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadan dalka Kenya.
Gudoomiyaha degmada Mandera ayaa sheegay in ay Al-Shabaab doonaayaan in ay weeraraan xarumaha muhiimka ah ee dalka Kenya , gaar ahaan degmada Mandera.
Ammaanka Magaalooyinka Waa weyn ee dalka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyay .
Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay laba jibaareen weerarada ay ku qaadayaan ciidanka dowladda Kenya ee ku safraaya xadka labada dal , waxaana weeraro ka dhacay xadka lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Kenya.
Xarakada Al-Shabaab ayaa Kenya kusoo qaadeysay weeraro laga soo bilaabo sanadkii 2011 markaasi oo ciidanka dowladda kenya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya.

