Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Ammaanka Dhuusamareeb oo si weyn loo adkeeyay iyo madaxda DF oo ku wajahan

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo magaalada laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo amni oo la xiriira munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan Shuluq.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamsa Cabdi Barre iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay gaaraan magaalada Dhuusamareeb, si ay uga qeyb galaan munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee Galmudug.

Ciidamada ammaanka ayaa sare u qaaday heeganka, waxaana la adkeeyay ilaalinta goobaha muhiimka ah ee magaalada, iyadoo la diyaarinayo soo dhaweynta madaxda dowladda iyo martida kale ee ka qeybgalaysa munaasabadda.

Caleema-saarka Liibaan Axmed Xasan Shuluq ayaa imanaya kaddib doorashadii hoggaanka Galmudug, waxaana munaasabaddan la filayaa inay isugu keento madaxda dowladda Federaalka, mas’uuliyiinta Galmudug iyo marti sharaf kale.

Exit mobile version