Site icon Radio Risaala: Somali News Online

AMISOM oo jiirtay Gaari ay saarnaayeen Shacab iyo Khasaare ka dhashay

Ciidamada AMISOM  ayaa degaanka Calamada  ku jiiray Galabta  gaari  ay saarnaayeen  dad shacab ah Sida ay Idaacadda Risaala u sheegeen goobjoogayaal.

Gaariga ay jiireen Gawaarida AMISOM ayaa la sheegay in uu ahaa Minu Bus , islamarkaana uu waday dad shacab ah.

Falkaasi ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku sugan  degaanka Calamada ayaa sidoo kale Risaala u sheegay in ay arkaayeen dhaawacyo  iyo Meydad laga soo saaraayay Gaariga ay jiireen gawaarida Ciidanka AMISOM.

Kudhawaad 5 qof ayaa la sheegaya in ay ku dhinteen Falkaasi.

 

Exit mobile version