Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Amar la dul-dhigay Maareeyayaasha Garoomada Diyaaradaha Hir-Shabeelle

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa amar culus la dul-dhigay dhammaan Maareeyayaasha Garoomada Diyaaradaha deegaanada Maamulkaas.

Qoraalka oo ka soo baxay Xafiiska Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Dowlad GoboleedkaHir-Shabeelle ayaa lagu sheegay in lagu amrayo dhamaan Mareeyayeyaasha Garoomada Diyaaradaha Hir-Shabeelle in dhaqaalaha kasoo baxa Diyaaradaha kasoo dega Garoomada maamulkaas in si KMG ah loogu dayac  tirayo Garoomada Diyaaradaha.

Warqadaan oo ku taariikheysan 10/2/2019 ayaa waxaa la ogeeysiisay dhamaan maareeyayaasha Garoomada Diyaarada Hir-Shabeelle,Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Waxaa sidookale dhammaan Maareeyayaasha Garoomada Diyaaradaha deegaanada Maamulkaas lagu amray in aan marnaba la aqbaleyn innlagu tagri falo dhaqaalaha Shacabka loogu adeegi lahaa.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka.

Exit mobile version