Muqdisho-RisaalaFM- Shirkadda Albayrak oo maamusha Dekadda Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay maanta Guddiga Abaaraha dalka ku wareejisay Lacag dhan 50,000 oo Doollar oo loogu tala galay Gurmado dadka ay saameeyeen Abaaraha Ka Jira dalka.
Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Afhayeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa kia gudoomay Lacagtan shirkadda Albayrak, kuwaasi oo ka mid ah Guddiga Abaaraha.
Mas’uuliyiinta ka socotay shirkadda Albayrak ee lacagtan bixinyay ayaa waxa ay sheegeen mar walba in ay diyaar u yihiin caawinta dadka walaalahooda ah, maadaama hada ay ku sugan yihiin dhibaato aanan la isku fiirsan karin.
Dhanka kale Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay u mahad celinayaan shirkadda Albayrak, oo isku howshay sidii ay mar walba u taageeri laheyd shacabka Soomaaliyeed.
Hay’addaha Qarmada Midoobay ayaa horey uga digay Abaarta in ay isku bedesho ama ay gaarto macluushii 2011-kii, xilligaasi oo ay Abaartu gaartay heerkii ugu sareysay, Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Hoose ayaa wada dadaalo wax loogu qabanayo dadkan.
Magaalada Muqdisho maalinba maalinka ka dambeysa waxaa soo gaaraya dad hor leh, kuwaasi oo ka soo cararay Abaarta, si ay u badbaadiyaan nafsadooda, waxaana dad qaar ay kuu sheegayaan in Eheladooda qaar ka mid ah ay ku waayeen intii ay ku soo jireen safarka ay ku imaanayeen Muqdiho, Haraad iyo Gaajo darteed.
