Site icon Radio Risaala: Somali News Online

AKHRISO: Wasiirka Waxbarashadda oo soo saaray wareegto ku saabsan Nidaamka hirgelinta waxbarashada

Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa soo saaray wareegto ku saabsan Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka maadaam dhawaan lagu wado in la furo sannad dugsiyeedka Waxbarsho.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa saxaafadda u akhriyay wareegtada ka soo baxday Wasaaradda waxaana kamid ah , si looga fogaado jahawareer ku dhaca caruurta Soomaaliyeed ee dhigta dusgiyada waxbarashada dalka islamarkana loo dhaqan geliyo siyaasadda  iyo manhajka qaranka  ee ay ansixiyeen golaha wasiirada.

Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka

1-Manhajka, dhamaan dugsiyadda waxaa lagu dhigayaa buugagta cusub ee ku saleysan manhajka  qaran kuwaasoo dhawaan idin soo gaari doona gaar ahaan fasalada  hoose, koowaad iyo afraad oo ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada dalka.

2-Wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalka  ayaa qaadi doona imtixaanka shahaadiga ee  fasalka sideedaad ee loogu gudbo dugsiga dhexe, iyaga ayaana bixin doona shahaada loogu gudbayo.

T,Imtixaanka  fasaladka afraad  waxaa qaadaya  wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka.

J,shahaadda dugsiyada sare  waxaa laga qaadan doonaan xafiisyada wasaaradda ee dowlad goboleedyada iyo xafiiska imtixaanaadka  iyo shahaadooyinka oo ay ka heli doonaan ardeyda gobolka Banaadir.

 3- Sannad dugsiyeedka xiligiisa.

Dhamaan dugsiyada waxay galayaan labo xili oo kala ah xiliga koowaad  wuxuu bilaaban doonaa bisha Ogosto sabtida ugu horeysay wuxu dhamaan doonaa todobaadka saddexaad ee bisha  December ee sannad walba, sannad dugsiyeedka labaad, wuxuu bilaaban doonaan  Sabtiga ugu horeeya  ee bisha janaayo wuxuuna dhamaan doona todobaadka ugu dambeeya ee bisha maaj.

4-Afafka lagu baranayo manhajka.

5- Fasaxyada sannad dugsiyeedka waxaa la raacayaa kalandarka wasaaradda ay soo saartay sannad dugsiyeedka.

 

Exit mobile version