Garowe-RisaalaFM- Dagaal saakay ka Qarxay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ayaa weli wuxuu ka socdaa Magaaladaasi, waxaana Dagaalkaasi uu yahay mid culus oo la isku adeegsanayo Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Maamulka Puntland oo War-murtiyeed ka soo saaray Dagaalkii maanta ka dhacay Gaalkacyo ayaa sheegay in ay weerar ku soo qaadeen Al-shabaab iyo Galmudug iyo is garabsanaya.
Puntland ayaa sidoo kale waxa ay baaq u dirtay Dowladda Federaalka, Beesha Caalamka iyo Dowladaha Deriska, waxaana ay ugu baaqday in arrintan ay wax qabtaan.
