Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Akhriso:- Khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Gobolka Mudug

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ,kaas oo degaanka Shabeellow ee duleedka Magaalada Bacaadweyne ku dhexmaray Dadka degaanka &  Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyay 7 qof oo  uu ku jiro Macalin Dugsi Qur’aan ayaa ku geeriyooday dagaal ka dhacay deegaanka shabellow,sida ay Risaala u sheegeen Saraakiil ka tirsan laamaha Ammaanka Maamulka Galmudug.

Wararka helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay ka baxeen deegaanka kadib markii dagaalka ay ku soo biireen ciidamo ka tirsan qeybta  21aad oo gacan siinayay dadka deegaanka.

Xaalada deegaanka Shabellow ee Bariga Gobolka Mudug ayaa hadda degan, iyada oo Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka wadaan.

Exit mobile version