Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Ahlu Sunah oo caawa dhaq dhaqaaq ciidan ka wada Galgaduud

Galgaduud-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka Mareer-guur ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Ahlu sunah ay caawa halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaq ciidan.

Dhaq dhaqaaqaasi ciidan ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay markii ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ay soo gaareen meel ku dhow deegaankaasi.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in laga baqdin qabo in ay isku dhacaan ciidamada maamulka gobolada dhexe ee Ahlu sunah iyo ciidamada maamulka Galmudug, inkastoo Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ay arintaasi ka gaabsadeen in ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan.

Ururka Ahlu Sunah oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in uusan jirin howlgal balse kaliya ay wadaan dhaq dhaqaaq ciidan oo mar walba ay sameeyaan.

Exit mobile version