Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Agaasimaha NISA iyo odayaasha dhaqanka G/Hiiraan oo ka wadahadlay dagaalka Al-shabaab.

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa maanta kulan degdeg ah la yeeshay nabaddoonada iyo waxgaradka gobolka Hiiraan, kuwaas oo ku sugan degmada Moqokori.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee As, iyadoo laga wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlgalada socda iyo sidii si buuxda looga sifeyn lahaa deegaannada hartay ee ay weli ku dhuumaaleysanayaan eeyaha naarta.

Macwiisleyda deegaanka ayaa horay guulo muhiim ah uga gaaray dagaallo ay la galeen kooxdaasi, waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii loo dhammeystiri lahaa howlgallada, loona xaqiijin lahaa amniga gobolka.

Exit mobile version