Waxaa faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan Guri ku yaalla Magaalada Hargeysa oo dab ka kacay.
Dabkan ayaa kadhashay koronto guriga ka kacday, waxaana ku dhintay 4 caruur ah sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay Hooyada dhashay 4 Caruur ee dabka ku dhintay.
Maxamed Ismaaciil Daahir oo ah Aabaha dhalay Caruunta oo Warbaahinta kula hadlay Isbitaalka Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dabkan uu ka dhashay koronto.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Xaaskiisa ay hada ku sugan tahay Xaalad adag isla markaana ay meelo badan oo jirkeeda ah ay ka gubatay.
Maxamed Ismaaciil Daahir ayaa sidoo kale warbaahinta u sharaxay qaabka uu u kacay dabka iyo xaalada Xaaskiisa.
Maamulka Somaliland weli ma ka hadlin dhacdadaan ay ku geeriyoodeen 4 Caruur sidoo kalena ay hooyadii dhashay ku dhaawacantay.
Dabka ka dhashay Korontoda ayaa horay meelo badan oo Somaliland ka mid ah ka kacay waxaana ka dhashay khasaaro hantiyadeed.

