Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed iyo amni oo cakiran, iyadoo dalka ay ka jiraan caqabado isbiirsaday oo saameyn ku yeelan kara dowladnimada, xasilloonida siyaasadeed iyo qorshaha doorashooyinka ee dowladda Federaalka.
Caqabadaha cusub ayaa isugu jira qorshaha bixitaanka ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika, kacdoonka ka socda gobolka Hiiraan, khilaafka dowladda Federaalka iyo mucaaradka iyo diidmada maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee hannaanka doorashada ay ku dhawaaqday dowladda.
Sidoo kale, waxaa jira khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo ka taagan Koonfur Galbeed, kaas oo salka ku haya isbeddelkii hoggaanka maamulkaas iyo taageerada dowladda Federaalka ay siisay Aadan Madoobe, kaddib markii xilka laga qaaday Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Waxaa wararku sheegayaan in Madaxtooyada Soomaaliya ay ka socdaan kulamo aan caadi ahayn oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la leeyahay mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin kala duwan, kuwaas oo looga arrinsanayo xaaladda cakiran ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha cusub ee soo kordhay.
Caqabadaha ugu waaweyn ee dowladda horyaalla
1. Bixitaanka ciidamada Uganda
Dowladda Uganda ayaa 2-dii November ku dhawaaqday inay bilowday ka bixitaanka ciidamadeeda Soomaaliya, iyadoo qorshuhu yahay in si tartiib-tartiib ah dalka looga saaro dhammaan ciidamadeeda, oo ay ku jiraan kuwa AUSSOM, dhammaadka 2027.
Arrintan ayaa dhalin karta walaac amni, gaar ahaan goobaha ay ciidamada Uganda mas’uulka ka yihiin, haddii aan la helin ciidamo Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega fariisimaha iyo mas’uuliyadda amniga.
2.. Kacdoonka ka socda gobolka Hiiraan
Xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne ayaa isu beddeshay caqabad amni iyo maamul, kaddib markii maleeshiyaadka Macawiisleyda ee deegaanka ay galeen xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee Lamagalaay.
Khilaafkan ayaa salka ku haya muranka maamulka Hirshabeelle iyo siyaasiyiinta deegaanka, waxaana jira walaac laga qabo in xaaladdu isu beddesho iska horimaad hubeysan oo dhex mara ciidamada dowladda iyo xoogagga deegaanka.
Haddii aan xal siyaasadeed laga gaarin, waxaa dhici karta in khilaafku saameeyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo awoodda maamulka Hirshabeelle.
3.Diidmada mucaaradka, Puntland iyo Jubbaland
Khilaafka doorashada ayaa weli ah caqabadda ugu weyn ee hortaagan heshiis siyaasadeed oo dalka ka yeesho mustaqbalka dowladnimada.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Puntland iyo Jubbaland ayaa diidan hannaanka doorasho ee dowladda Federaalka, iyagoo qaba in aan la gaarin heshiis loo dhan yahay oo ku saabsan dastuurka, nooca doorashada iyo muddooyinka hay’adaha dowladda.
Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku adkeysanaysa qorshaheeda doorashada, iyadoo guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen in doorashada baarlamaanka la qabto 15-ka Abriil 2027, halka doorashada madaxweynaha loo qorsheeyay 15-ka May 2027.
Khilaafkan ayaa halis gelin kara wadajirka siyaasadeed, kalsoonida hay’adaha dowladda iyo heshiiska federaalka.
4-Dagaalka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed
Khilaafka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa weli saameyn ku leh xaaladda Koonfur Galbeed.
Xaaladda ayaa cirka isku shareertay kaddib markii dowladda Federaalka ay ciidamo geysay Baydhabo, Lafta-gareenna uu xilka ka baxay, halka Aadan Maxamed Nuur Madoobe uu hoggaanka maamulka kula wareegay taageerada dowladda Federaalka.
Ciidamo taabacsan Lafta-gareen ayaa marar kala duwan isku dayay inay dib ula wareegaan deegaanno iyo xarumo muhiim ah, waxaana dagaalladaasi sababeen walaac laga qabo in Koonfur Galbeed ay gasho colaad daba dheeraata.
Arrintan waxay sidoo kale keeni kartaa in ciidamada dowladda laga mashquuliyo dagaalka Al-Shabaab, iyadoo khilaafka siyaasadeed uu isu beddelayo mid ciidan.
Sidee xal loogu heli karaa?
Xallinta caqabadahan waxay u baahan tahay wadahadal siyaasadeed oo dhab ah, kaas oo ay qeyb ka yihiin dowladda Federaalka, mucaaradka, Puntland, Jubbaland iyo maamul-goboleedyada kale.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la helo heshiis cad oo ku saabsan doorashada, dastuurka iyo awoodaha dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Dhinaca amniga, dowladda waxaa horyaalla inay diyaarsato qorshe lagu buuxinayo boosaska ay banneeyaan ciidamada Uganda, isla markaana xal siyaasadeed laga gaaro xiisadda Hiiraan iyo Koonfur Galbeed si aanay u saameyn dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ugu dambeyn, kulamada ka socda Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli dalka ay isugu yimaadeen caqabado siyaasadeed, amni iyo maamul oo u baahan xal degdeg ah. Su’aasha taagan ayaa ah: sidee ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku heli karaa heshiis siyaasadeed oo mideeya dhinacyada isku haya dalka, isaga oo isla markaas wajahaya isbeddellada amni ee ka socda Soomaaliya?

