Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Abaabulka Wajiga labaad ee la dagaalanka Al-Shabaab oo ka billaawday Galmudug

Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici ) oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Taliska xoogga dalka, ayna hormuud u tahay Madaxa  isku xirka hoggaanka ciidanka iyo shacabka G/dhexe Iimaan Maxamuud Cali Elman ayaa maanta booqasho la xiriirta wadatashiga iyo la socodka xaaladohooda ugu tagtey saraakiisha iyo ciidamada deegaanka ee u diyaarsan ka qaybgalka wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Booqashadan oo ka dhacday fadhi Ciidanka deegaanka ee isku abaabuley ka qayb galka xoreynta deegaanada bari ee gobolka Galgaduud ay ku leeyihiin meel banaanka ka ah Magaalada Dhuusamareb ayay taliyaha qaybta iyo saraakiisha wehlisey xog dhameystiran kaga dhageysteen qaar kamid ah saraakiisha iyo siyaasiyiinta deegaanadaas

waxayna uga warameen  sida ay goor horeba dagaalkan ugu diyaar garoobeen, iyagoo ciidamo iyo gaadiid dagaal kasoo daabuley meelo Galmudug ka baxsan.

Ugu dambeyn Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici ) iyo saraakiisha kale ayaa u khudbeeyay Ciidamada  diyaarka u ah wajiga labaad ee howlgalka xoreynta dalka

Madaxa  isku xirka hoggaanka ciidanka iyo shacabka G/dhexe Iimaan Maxamuud Cali Elman  ayaa balan qaadey in dowladu diyaar u tahay dhiirigelin walba oo ay u baahan yihiin Ciidankan, si gaar ahna ay u tixgelin doonaan macluumaadka ciidan ee ay saraakiishu la wadaageen.

Exit mobile version