Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM General Subagle ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay gacan ka siiyaan Dagaalka Shabaab lagula jiro.
General Subagle oo ku sugan degmada Afmadow ayaa sheegay muhiim in ay tahay Shacabka in Ciidamada Dowladda ay siiyaan taageero buuxda, si Shabaab looga saaro guud ahaan dalka.
Subagle ayaa sheegay AMISOM in ay wado dadaalkeeda ah in Shabaab ay ka saarto guud ahaan Soomaaliya, kadibna Ciidamada Dowladda ay la wareegaan ammaanka guud ee dalka.
Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo ka socda qaar ka mid ah dalalka Qaaradda Afrika, kuwaas oo qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

