Wasaaradda Difaaca dalka Mexico ayaa sheegtay in todobo xubnood oo ka mid ah ciidamada dalkaasi in ay dhinteen,ka dib markii diyaarad Helicopter ah oo ay saarnaayeen ay ku burburtay gobolka dhaca waqooyiga dalkaasi ee Durongo.
Hal askari oo dhaawac culus soo gaaray ayaa laga helay goobta ay diyaaradda ku burburtay,halka meydadka aan la argin.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Jimcihii diyaarad helicopter-ka ee lagu magacaabo Bell 412 ay ku socotay tababar, waxaana saarnaa 2 duuliye, sarkaal iyo shan askari.
Shilkaan ayaa ka dhacay meel u dhaw degaanka El Salto ee gobolka buuraha ah ee Durongo.
Waxaa la sheegay in baaritaan uu socdo oo ku aadan waxa sababatay shilkaan diyaaradeed.

