Site icon Radio Risaala: Somali News Online

57 carruur ah oo ku dhaawacantay Iskuul ku dumay

ku dhawaad  57 carruur ah ayaa dhaawacantay Iskuul ay dhigaanayeen oo kusoo dumay Magaalada Nairobi.

Toddobo carruur ah ayaa sidoo kale ku geeriyootay markii uu kusoo dumay mid kamid ah fasalada ay ardeyda wax ku bartaan sidda dowladda Kenya ay xaqiijisay.

Warbaahinta NTV ayaa soo xiganeyso Cyrus Oguna ayaa ku warrantay in dowladda ay bixineyso qarashaadka isbitaalka ee ardeyda dhaawacan tahay ee xaaladdooda lagula tacaalayo halkaas.

Waxaa socda dadaallada gurmadka ah iyo samatabixinta ah si loo helo carruurta maqan, sida ay sheegtay ha’yadda Laanqeyrta Cas ee Kenya.

Exit mobile version