Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta hortagaya Golaha Shacabka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah Xarunta Villa Hargeysa ku yeelanaya kulan uu hortagayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada xalay u diray farriin qoraaleed loogu sheegayo in uu Maanta  jiro kulan ajandihiisu yahay codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha.

Xogaha la helay ayaa sheegaya in kulanka uu Ra’iisul Wasaaraha ku dalbanayo in 10 cisho oo dheeraad la siiyo oo uu ku soo dhiso Golihiisa Wasiirada, maadaama muddada uu u heystay inuu Gole Wasiiro ku soo dhiso ay dhamaatay, sida uu ahaa curfi siyaasadeed iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Kulan Madaxtooyada Soomaaliy ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa warar soo baxayay ay sheegayeen inay isku raaceen in muddo cisho ah dib loo dhigo Magacaabista Golaha Wasiirada.

Exit mobile version