Ururka Alshabaab ayaa sheegay inuusan marnaba wax wada hadal ah la galidoonin dowladda federalka Soomaaliya, taas bedddelkeedna ay qorshaynayaan inay la wareegayaan xukunka dalka.
Dhowaan madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu wada hadal la furidoono Alshabaab, kadib marka ay dowladdiisa hoos u dhigto awoodda ay kooxdu haatan leedahay.
Mahad Karate oo Maraykanku uu dul dhigay shan million oo dollar, ayaa sheegay inaysan dowlad ka aaminsanayn dowladda Soomaaliya ee hadda ka jirta, wuxuuna sida uu aaminsan yahay sheegay inaysan wada hadal la galayn dowlad kasoo horjeeda shareecadda Islaamka.
“Anagga sideedaba nimankan dowlad kama aaminsanin. Cumuumana cid kasta oo ay shareecada ilaaheey noo diiday inaan la hadalno, la hadli mayno. Ciddii ilaaheey shareecaddiisa noo banaysay inaan la hadalno, waan la hadlaynaa,”ayuu yiri Mahad Karate.

