Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dowladda Imaaraatka oo lacag ugu deeqday Soomaaliya

Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ee cusub Max’ed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una dhigan $9.52malyan oo Dollar.

Safiirka Imaaraatka Carabta u jooga Soomaaliya iyo Wasiirka amniga gudaha ayaa maanta ka saaray Bangiga dhexe ee Muqdisho, lacag dhan $9.6malyan oo 4-sano kahor lagu qabtay madaarka Aaden Cadde, taas oo ay DFS kusifeysay in ay sharci darro ahayd.

Deeqdaan Imaaraatka ayaa lagu sheegay in loogu talo-galay wax kaqabashada Abaaraha iyo Caruurta Soomaaliyeed, sida ay sheegtay Wakaalada Wararka ee Al-Ain.

Deeqdaan ayaa ah isla midii horay looga qabtay Soomaaliya, haddana isla dib ayaa loogu deeqay.

Exit mobile version