Kadib kulamo saacado badan qaatay oo Magaalada Boosaaso ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland, Agaasimihii Ciidanka Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa Madaxweyne Deni waxaa uu Magacaabay Agaasimayaasha laba kamid ah Ciidanka Ammaanka Puntland.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa xilalka Agaasimayaasha Ciidamada ammaanka Puntland waxaa loogu kala Magacaabay Agaasimihii Ciidanka Hay’adda PSF & Agaasimihii uu dhawaan u Magacaabay Hay’adda PSF.
Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Kadib markii uu qiimeeyey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee Magaalada Boosaaso.
Kadib markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka Puntland.
Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Isimada, Madaxweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.
Kadib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday Magaalada Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada.
Madaxweynaha Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wuxuuna xeeriyay:-
1. Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).
2. Waxaa S/Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).
Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland.
*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
Sidoo kale Wararka la helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka heshiiyeen dagaalkii uu dhiiga ku daatay ee ka dhacay Magaalada Boosaaso.

