Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Yuusuf Kabaale oo markale loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ka socota doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana Maanta la dooranayaa lix Kursi.

Yuusuf Ibraahim Afrax ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-033 ee Xubinnimada Golaha Shacabka, isagoo helay codad gaaraya 69-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Xuseen Sabriye uu heley 22 -cod, waxaana halaabay lix Cod.

Waa kursigii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee Maanta lagu doorto Magaalada Jowhar halka maamulada kale ee dalka lagu doortay dhowr Xildhibaan.

Exit mobile version