Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal cusub

Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal ku ridday badda Japan, waana markii afaraad oo ay tijaabadasi sameyso bishan.

Cutubyo ka tirsan militariga Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa ogaaday gantaalka laga soo riday xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.

Ilaa hadda lama oga nooca hubka ay tijaabisay Kuuriyada waqooyi.

Horaantii bishaan Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay ku guuleysatay tijaabada labo gantaal oo ah nooca loo yaqaan ‘hypersonic.

Sheegashadaas ayaa muran laga keenay islamarkaana madaxweyne Biden ayaa cunaqabatayn dheeri ah ku soo rogay Pyongyang.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in tijaabinta gantaallada ay qayb ka tahay xuquuqdeeda dhanka madaxbannaanida ee ay u leedahay in ay is-difaacdo.

Dowladda Japan ayaa sidoo kale ka war heshay tijaabada gantaalkani , iyadoo xoghayaha guud ee golaha wasiirada Hirokazu Matsuno uu cambaareeyay kuna tilmaamay mid khatar ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.

Exit mobile version