Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho soo gaaray

Madaxweynaha DG Koofurgalbeed Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qaybgalo Shirka golaha Wadatashiga Qaranka.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Laftagareen ayaa u yimid Muqdisho ka qeyb galka golaha wadatashiga qaran ka dib markii beesha Caalamka ay Caddaadis xoog leh saartay.

Laftagareen ayaa mar hore sheegay in uusan kaqaybgelayn Shirka balse go’aankiisaas ayaa isbeddelay.

Exit mobile version