Tababar socon doona muddo shan maalmood ah oo ay qaadanayaan tababarayaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka socda magaalada Muqdisho, si kor loogu qaado aqoonta ay u leeyihiin Shuruucda Caalamiga ah ee Gargaarka Bani’aadannimada (IHL) iyo Sharciga Xuquuqul Insaanka Caalamiga ah (IHRL).
Tababarkan ayaa waxaa furay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa, waxaana sidoo kale goob joog ka ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Siciid Samatar.
Tababarkan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Ilaalinta, Xuquuqul Insaanka iyo Jinsiga ee Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa waxaa ka qeyb galaya 18 ka mid ah tababarayaasha iyo Taliyeyaasha Ciidamada XDS oo waajibaadkooda ay ka mid yihiin qorsheynta iyo fulinta howlgallada wadajirka ah ee AMISOM, iyo saddex sarkaal oo rayid ah oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Wasaaradda Gaashaandhigga.
Mawduucyada laga hadlayo waxaa ka mid ah xeerar ku saabsan ilaalinta dhibanayaasha iskahorimaadyada hubeysan, xeerarka hab-dhaqanka colaadaha, caqiidada mas’uuliyadda taliska ee, sharciga xuquuqda aadanaha ee lagu dabaqi karo iskahorimaadyada hubeysan, xiriirka ka dhexeeya, dembiyada dagaalka ee aan caalamiga ahayn. colaadaha hubaysan, xiriika ka dhexeeya Xeer-dhaqameedka Soomaaliyeed iyo horumarinta Siyaasadda Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.
Isagoo la hadlayayy ka qaybgalayaasha, Danjire Madeira ayaa ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in ciidamada milaterigu ay isbartaan si ay uga fogaadaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee iskahorimaadyada hubeysan.
“Ujeedada koowaad ee tababarkani waa in kor loo qaado aqoontaada iyo in laga hadlo doorka iyo sida ay uga ilaaliso dagaalka. Taliyeyaasha iyo macallimiinta XDS, waxaa idin saaran mas’uuliyad muhiim ah oo ku aaddan xaqiijinta ixtiraamka IHL marka ay howlgallada ciidamadu socdaan, maadaama aad dembiilayaal aad mas’uul ka tihiin xad-gudubyo halis ah oo loo geysto si waafaqsan amarkooda,” ayuu yiri Danjire Madeira.
Danjire Madeira ayaa intaas ku daray in faham buuxa oo hay’adeed oo ku saabsan arrimaha IHL iyo IHRL ee XDS ay ku gaari karaan oo keliya haddii saraakiisha loo xilsaaray xarumaha tababarka ay si joogto ah u helaan tababarradan oo ay wadaagaan aqoonta la helay.
“Waxaa waajib kugu ah inaad hubiso in ciidamada XDS ay helaan hab-raaca shuruucda caalamiga ah ee bini’aadantinimada ee lagu maamulayo colaadaha Soomaaliya. Waajibaadkan waxa kaliya oo la xaqiijin karaa haddii dhammaan taliyayaasha XDS iyo saraakiisha gacanta ku haya waxbarashada ee dugsiyada ciidamada ay yihiin kuwo leh aqoonta I, ayna fahmaan waajibaadkooda sharciga ah ee la xiriira iskahorimaadyada hubeysan ee gudaha,” ayuu yiri danjiraha.
Dhankiisa, wasiir Xagaa ayaa sheegay in ciidamada XDS ay sii xoogeysanayaan, taasoo uu ku macneeyay in ay wada shaqeyn la leedahay AMISOM. Waxa uu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha in ay si firfircoon uga qeyb qaataan tababarka oo ay ka qeyb qaataan kobaca ciidanka.
“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxa uu soo maray waddo dheer, si joogto ah ayuu u dhismayaa, waana uu sii xoogeysanayaa, waxaana mahad iska leh AMISOM iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo weli gacan ka siiya arrintan. Haddii ay jirto baahi loo qabo mustaqbalka in aan caawinno mid ka mid ah dalalkan, ciidamada Soomaaliya waa in ay u huraan bixinta kaalmadaas. Waxaan kula talinayaa ka qaybgalayaasha inay si dhab ah u qaataan tabobarkan si uu u noqdo mid shaqaalaha kale la gaarsiiyo,” ayuu yiri Xagaa

