Site icon Radio Risaala: Somali News Online

RW Rooble oo Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiil Ciidan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadsa xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa kulan la qaatay Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga dalka Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay.

kulanka oo sidoo kale uu qeyb ka ahaa Taliye Xuseen Axmed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad, waxaana kulankooda ay uga wada hadleen amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Roobe ayaa ku boggaadiyay saraakiisha oo howlaha shaqo ay haayaan iyo sidii ay uga qeyb qaateen howlgalkii Guriceel looga saaray dhaq-dhaqaaqa Ahlusuna ee dagaalka la galay maamulka Galmudug.

Saraakiisha iyo ciidamada guutada 5-aad ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Rooble dhiiragelinta uu u sameeyay, iyaga oo sheegay inay dardar gelin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Exit mobile version