Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Wada-hadallo u billowday Kenya & Qatar xilli la sugayo go’aanka maxkamadda ICJ ee dacwadda Badda

Magaalada Dooxa ee Caasimadsa dalka Qatar waxaa gaaray Xoghayaha Golaha Wasiirrada Kenya Dr. Fred Okengo Matiang’i, si uu u gaarsiiyo farriin uu ka sido Madaxweynaha Kenya  amiirka Doxa Sheikh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al Thani.

Warbaahinta Kenya qaarmood ayaa waxaa ay  qorayaan in socdaalka  Fred Okengo Matiang’i, uu la xiriiro in Kenya iyo Qatar ay kala saxiixan doonaan heshiis ku saabsan shinaca Amniga.

Safarkaan uu Magaalada Doxa ee dalka Qatar uu ku gaaray xoghayaha golaha wasiiradda Kenya ayaa kusoo aaday, xilli la filayo in  12 ka bisha Octobar  ee soo socota in maxkamadda ICJ ay shaaciso xukunka dacwadda muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Qatar oo la sheego inay xiriir dhow laeedahay Madaxda Villa Somalia ayaa Tan iyo sannadkii 2020, waxaa ay si dhow ugu lug lahayd arrimaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo kaalin ka qaadatay in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay heshiiyaan si ay usoo celiyaan xiriirkoodii diblumaasiyadeed ee xumaaaday.

Warar kal hore soo baxayay ayaa sheegayay in dowladda Qatar ay isku dayday inay heshiis ku saabsan muranka badda kala dhex dhigto labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, taas oo aan suurtogelin.

Dowladda Qatar ayaan weli ka hadlin ujeedka Safarka uu Magaalada Doxa ku tegay Xoghayaha Golaha Wasiirrada Kenya Dr. Fred Okengo Matiang, kaas oo farriin ka sida Madaxweynaha Kenya.

Exit mobile version