Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo ka baxay degaano ay dhawaan qabsadeen

Kadib markii ay dib uga soo baxeen ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya,  Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay gudaha deegaanadan lasoo galeen maleeshiyaad aad u hubeysan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan qabsashada deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara.

Talaadadii ayey aheyd markii ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ay dib u qabsadeen magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay haysteen  Al-Shabaab.

Isla maalinkaas, warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in duqayn cirka ah lala beegsaday ururka Al-Shabaab, nawaaxiga Camaara.

Militariga Mareykanka ayaa goor dambe sheegay in fuliyeen duqeyntaas.

Exit mobile version