Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay howlgalladii ugu dambeeyay oo ay Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa Daraawiishta Galmudug ka fuliyeen degaano ka tirsan Goblka Mudug, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ay weeraro qorshaysan ka wadaan shantii maalmood ee u danbaysay fariisamo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaamo dhinacyada ka xiga magaalada Camaara, isla markaana khasaaro ay ku garsiiyeen Al-Shabaab.
“ Aragagixisada ayaa jab iyo khasaaro xooggan la gaarsiiyey ayadoo ciidamada huwanta ahi ay la wareegeen goobo istaatiiji ah oo ay ka mid yihiin Qodqod iyo Qaycad, loona ruqaansaday dhanka Camaara, Shacabka deggan deegaanada koofurta Mudug ayaa ku soo warramaya in Shabaab ay ka guurayaan magaalooyinka iyo tuulooyinkii ay sanado badan ku sugnaayeen, una guurayaan dhanka koofurta ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano ka tirsan koonfurta gobolka Mudug, iyada oo howlgalladaas lagula wareegay degaannada Camaara & Bacaadwyene.

