Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Kiisaska cudurka Karoonaha ee Soomaaliya oo sii kordhay

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay kiisaskii ugu dambeeyay ee laga helay Soomaaliya ee cudurka Karoonaha, waxaana wasaaradda ay sheegtay in sare u kac uu jiro maadaama dalka laga helay 41 qof saacaddihii lasoo dhaafay.

Tirada 72 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 3,883

o Laga Helay: 41

o Puntland: 22

o Banadir: 7

o Jubbaland: 7

o Somaliland: 5

o Lab:26

o Dhedig:15

o Bogsashada: 9

o Dhimasho:2

Tirada Guud ee Laga Helay: 15,036

Bogsashada Guud: 7,261

Dhimashada Guud: 777

Exit mobile version