Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta magaalada Gaalkacyo uga qeybgalay aaska Allaha u naxariistee marxuum Sheikh Cali Axmed Farax ” Sheikh Cali Dheere” oo ahaa maamulihii Xarunta Daryeelka Agoonta Ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha oo aaska ka hadlay ayaa sheegay in caddaalada la horkeeni doono dambiilayaashii ka danbeeyey dilkiisa isagoona Bulshada Qeybaheeda kala duwan uga tacsiyeeyay Geeridi ku timid Marxuumka.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in gurigiisa ay kasoo saareen shaqsiyaad ka tirsan ciidanka dowladda oo la yaqaano, islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo marsiin doono.
Waxaa uu xusay Madaxweyne Qoorqoor in dilka Sheekh Cali ay tahay mid laga shaqeeyay oo la qorsheeyay ayna ku sameyn doonaan baaritaan dhab ah.

