Guddiga ka hortagga iyo la dagaalanka Cudurka Safmareenka ah ee Coronavitus ee Gobolka Bari ayaa soo saaray Go’aano looga hortagayo Cudurka, xilli degaannada Gobolka Bari uu ku faafay.
Go’aanada oo ka kooban ayaa waxaa ay yihiin kuwo ku socda Shacabka Gobolka Bari, si looga hortaggo faafitaanka Cudurka COVID-19, waxaana Go’aannada ay kala yihiin.
1. Dhammaan waxaa la joojiyay isu imaatinka dadweynaha sida rafladaha, shirarka iyo Aroosyada iwm, wiri shirar ah ee laga maarmi waayo waraa lala socodsiinayaa Guddiga.
2. Waa in qof kasta uu xirto AF XIRAMA AF SAAB (FACE MASK)
3. Oof kasta oo laga helay Covid-19 isla markaana lagu arko isagoo bulthada ku dhex jira waxaa loo gudbinayaa ciidanka amaanka waana la xirayaa.
4. Dhammaan Shirkadaha iyo Darawalada Gaadiidka dadweynaha waxaa la farayaa in aanay qaadin qof aan xirnayn AF XIR AMA ( FACE MASK).
Dhammaan goobaha ganacsiga ay kamid yıhiin meheradaha, Hoteelada, Bakhaarada, suuqyada laga dukaamaysto, goobaha igaaruinta,
Xawaaladaha, bangiyada iyo goobaha lagu kulmo IWM, wasaa la farayaa in ay
ilaaliyaan go’aanadan caafimaad waana in aanay soo galin qof aan wadan AF XIRKA AMA FACE MASK.
6. Dhammaan meheradaha ganacsiga iyo xafusyada Dawladda waraa la farayaa in
ay keensadaan faradhaq saahuunayran ama jeermis dile.

