Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweynaha Puntland oo qaabilsay wafdi ka socda Hay’adda WHO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Masuulka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta Puntland iyo Hay’adda WHO, dadaalka ka hortagga iyo xakameynta Caabuqa Covid-19 iyo dhiirgelinta tallaalkiisa oo dhawaan laga bilaabay degaannada Puntland.

Xubnaha Wafdiga ka socda Masuulka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in ay dhawaan tagaan degaannada kale ee dowlad Goboleedyada.

Exit mobile version