Site icon Radio Risaala: Somali News Online

SAWIRO:- Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geysay degmada Beled-Xaawo

Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa Maanta dowladda Soomaaliya ay geysay Gaadiid dagaal iyo Ciidamo farabadan, kuwaas oo dhawaan la geeyay Gedo.

Ciidamadaan oo ka tirsan NISA ayaa dhawaan laga qaaday Magaalada Muqdisho, waxaana la geeyay degmada Doolow ee Gobolkaas, iyada oo Maanta safar dhinaca dhulka ah Ciidamadaas ay ku tageen  degmada Beled-Xaawo

Taliyaha Howlgalinta Jubooyinka ee Ciidamada dowladda  Bakaal Kooke oo ay wehlinayeen Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka, Gedo Cabdiqadir Cumar Biixi, Iyo Saraakiil kale ayaa waxaa degmada Beled-Xaawo kusoo dhaweeyay qaar ka mid Saraakiisha Ciidamada Degmada Balad-Xaawo.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya waxaa ay Ciidamo ka tirsan NISA ay geysay degmada Doolow, waxaana tallaabadaas cambaareeyay Maamulka Jubbaland oo sheegay in cawaaqib xumadii ka dhalata uu qaadayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Exit mobile version