War kasoo baxay Maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in Qayb ka yihiin Shirka Wadatashiga Doorashooyinka, kaasi oo ka socda Hotelka Dekaale ee Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaarada Boostada & Is-gaarsiinta Maamulka Galmudug Aadan Xuseen Cismaan (Qoryooley) oo qoraal soo dhigay bogiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Galmudug ay qayb ka tahay madasha shirka Hoteel Decale oo ay ku sugan yihiin Guddiyo kala matalaya DFS, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
“Waxaa saakay hotel Decale nooga furmay wejigii labaad ee Guddiga Farsamada ee Arrimaha Doorashada, Galmudug waxay qeyb Ka tahay shirka, kana ahaan doontaa” ayaa uu yiri Wasiir Qoryooley.
Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa horay u sheegay in shirka Muqdisho uga socda gudiyada DFS, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir in aysan qayb ka ahayn.

