Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Midowga Musharaxiinta oo ku dhawaaqay in dib loo dhigay banaanbixii berri iyo dowladda oo ka hadashay

Midowga Musharraxiinta ayaa shaaciyay in dib loo dhigay bannaanbaxii lagu ballansana in uu maalinta berri ah ka dhaco Daljirka Daahsoon.

Sababaha keenay in banaanbaxa dib loo dhigo ayaa  la xariira Arrimo amni iyo xaaladda Caafimaad ee waddanka ka jirta

Madaxweynihii hore ee dalka Shiikh Shariif Sh Axmed ahna guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta go’aankaas, waxaana uu sheegay in ay dib kasoo sheegi doonaan maalinta banaanbaxa.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dowladda ay ka baxday dhammaan heshiisyadii ay gaareen sidaas darteed aan lagu aaminkarin xaaladda dalka iyo Ammaanka banaanbaxayasha.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubay Jimcaale ayaa khilaaf uu ka dhashay cida qaadeysa masuuliyada sugida Amniga goobta lagu waday in uu ka dhaco banaanbixii weyn ee looga soo horjeeday Madaxweynaha uu dhamaaday waqtigiisa.

Waxaa uu ku hanjabay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin banaanbax aysan sugeen Amniga ciidanka dowladda Soomaaliya.

Exit mobile version