Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dowladda Soomaaliya oo Maanta shaacisay kiisas cusub oo Coronavirus ah

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay kiisaskii Cusub Cudurka Coronavirus ah lagana diiwaangeliyay dalka  muddo  24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay la baaray 1,128, balse cudurka laga helay 123 qof.

o Laga Helay: 123
o Banadir: 76
o Somaliland: 31
o Jubaland: 13
o Koonfur Galbeed: 3
o Lab: 76
o Dhedig: 47
o Dhimasho: 14 (Banadir:9, Somaliland:4, Koonfurgalbeed:1)
o Bogsashada: 34
Tirada Guud ee Laga Helay: 7,850
Bogsashada Guud: 3,901
Dhimashada Guud: 274
Exit mobile version