Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DFS oo ku dhawaaqday in qalab la gaarsiinayo dowlad Goboleedyada

Shirka Guddiga Qaran ee xakamaynta xanuunka COVID-19 ayaa  xalay ku qabsoomay Aadala ( ZOOMKA) waxaana Guddoomiyey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar).

Shirka ayaa  looga hadlay ka hortagga, la tacaalidda cudurka Corona Virus iyo sidii agab xanuunka lagula tacaalo loo gaarsiin lahaa xarumaha caafimaadka ee Dowlad-gobolleedyada.

Shirka oo habeen walba la qabto ayaa waxaa uu kusoo aaday xilli uu Soomaliya gaar ahan magaalada Muqdisho kusoo laba kacleeyay cudurka, isla markaana la diiwaanegliyay kiisas farabadan

Exit mobile version