Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee baarlamaanka Galmudug?

Golaha Baarlamaanka Galmudug  ayaa fadhigoodi maanta oo Salaasa ah isugi yimid, iyada oo kooramka Golaha uu ahaa 53 Xildhibaan, waxaana shir-gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaay

  1. Bandhiga & Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka dhismaha Ciidanka Booliska Galmudug.
  2. Akhrinta 2aad Hindise-Sharciyeedka Maareynta Deegaanka Galmudug.

Wasiirka wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Xildhibaanada waxa uu ka hor aqriyay Hindise-Sharciyeedka dhismaha Ciidanka Booliska Galmudug, wasiirka ayaa sheegay in sharcigaan meel marintiisa uu muhiim u yahay in Dowlad Goboleedka Galmudug dhanka amniga isku filnaasho ka gaaro

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa Waxaa loo qeybiyay Hindise-Sharciyeedka dhismaha Ciidanka Booliska Galmudug,Sharcigaan ayaa Xildhibaanada waxay kusoo sameyn doonaan dib u eegis kadib si-ay u meel mariyeen

Dhan kale Xildhibaanada ayaa maanta ka dooday Akhrinta 2aad Hindise-Sharciyeedka Maareynta Deegaanka Galmudug oo ay horay Baarlamaanka ugu soo gudbisay wasaarasa Bay,ada

Exit mobile version