Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Guddi loo saaray dadkii lagu dilay Ceelwaaq

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ayaa magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya dhacdadii 22-kii bishan ka dhacday duleedka Ceelwaaq oo Ciidamo ka tirsan Kenya ay ku dileen dad rayid ah.

Guddigan ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan.

Waxaa sidoo kale guddiggaan la faray in ay si deg deg ah baaritaano ugu saameyaan dhacdooyinka Ciidanka Kenya ay ka wadaan Soomaaliya gaar ahan gobolka Gedo.

Exit mobile version