Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Ra’iisul Wasaaraha Cusub oo shaaciyay qodobada uu diirada saari doono

Ra’iisul Wasaaraha Cusub  ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hadal kooban ka jeediyay Kulankii Maanta Golaha Shacabka ay codka kalsoonida ku siiyeen ayaa marka hore u mahad celiyay Madaxweyne Farmaajo oo 17-kii Bishaan u Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada.

Waxaa uu sheegay in ilaa 8 qodob oo uu wax ka qaban doono maadaama Xildhibaannada ay codka kasloonida siiyeen, kuwaas oo kala ah.

1: Arrimaha Amniga

2:  Doorasooyinka

3:  horumarinta dhaqaalaha

4: Cadaaladda

5: Dowlad wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa

6: Dib u eegista Dastuurka

7:  Dhab u heshiisiinta

8:Iiskaashiga Caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya ayaa la filayaa in dhawaan uu si deg deg ah kusoo magacaabo Golihiisa Wasiirada maadaama waqtiga xilheynta Hay’adaha kala duwan ee dowladda uu geba-gabo yahay.

Exit mobile version