Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Shirka xal ka gaarista Arrimaha doorashooyinka oo berri furmaya

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib Safar uu Shalay ku tagay Magaalada Kismaayo halkaas oo uu kaga soo qaybgalay Aaska Allah ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga Jubaland.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho kaga qaybgali doona shirka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagaga hadlayo sidii Dalka ay uga dhici lahayd Doorasho la isku raacsan yahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa isna galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib safar degdeg uu shalay ku tagay Nairobi.

Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa la ogeyn inuu caawa furmayo iyo in kale, balse warar ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in shirka uu berri oo Axad furmayo.

Shirka lagu waday  in uu maanta furmo laakiin waa uu baaqday ka dib markii Safar deg deg ah ay Muqdisho uga baxeen Madaxda maamulada Galmudug iyo Jubbaland.

Exit mobile version