Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DEG DEG: Baxrayn iyo Israel oo heshiis gaaray

Boqortooyada Baxrayn iyo Israel ayaa gaadhay heshiis nabaddeed oo taariikhi ah, sida uu sheegay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Waa dalkii labaad ee carbeed ee Israel la heshiiya muddo 30 maalmood ah sida uu xusay Madaxweynaha Trump.

Muddo tobanaan sano ah, dowladaha carabta badankood waxay qaadaceen Israel, iyagoo ku adkeysanaya inay dhisi doonaan oo kaliya xiriirkooda kadib markii la xaliyay khilaafkii Falastiin.

Laakiin bishii la soo dhaafay Imaaraatka Carabta (UAE) waxay ogolaadeen inay caadi ka dhigaan xiriirkooda Israel.

In badan baa la isla dhexmaraayey in Baxrayn laga yaabo inay raacdo.

Dowladaha Khaliijka ayaa noqday dalkii afraad ee carbeed ee Bariga Dhexe ee aqoonsada Israel tan iyo markii la aasaasay 1948.

“Guul kale oo taariikhi ah maanta!” Mr Trump ayaa qoray, isaga oo raaciyay: “Labadeena weyn ee saaxiibka ah Israel iyo Boqortooyada Bahrain waxay ku heshiiyeen heshiis Nabadeed.”

Ka hor intaan Imaaraadku ku dhawaaqin bishii Ogosto, Israa’iil wax xiriir diblomaasiyadeed ah lama la lahayn waddamada Khaliijka Carabta.

Exit mobile version