Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dowladda Turkiga oo gaadiid dagaal oo casri ah ugu deeqday Ciidanka xoogga

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa Maanta si rasmi ah ula Wareegay Gaadiidka Gaashaaman oo Dawladda Turkiga ay ugu deeqday Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho ayaa waxaa goob-joog ka ahaa  Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe , Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/guuto Odawaa yuusuf Raage iyo Safiirka Dawladda Turkiga ee Soomaaliya.

Gaadiidkaan Gaashaaman oo casri ah ayaa wax badan u tari doona Ciidanka Xoogga dalka oo wada howlgallo dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso dhismaha ciidamada, Waxaana saldhig weyn uu ku leeyahay magaaladda Muqdisho, kaasi oo lagu tababaro Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Exit mobile version