Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dagaal Beeleed ka soo cusboonaaday dowlad degaanka Soomaalida

Dagaalkaan oo u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa uu ka soo cusboonaaday degaanka Garasle oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida,waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in uu salka ku haayo labada beelood oo isku heysta dhul ku yaalla degaankaas,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.

Xubno ka tirsan Maamulka dowlad Degaanka Soomaalida ayaa la sheegay inay ku baxeen degaanka uu dagaal beeleedka ka socdo,waxaana la filayaa inay Ciidamo kala dhex-dhigaan maleeshiyaadka dagaalamaya.

Exit mobile version