Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Faahfaahin khasaaraha ka dhashay Qaraxa Muqdisho

Ku dhawaad 10 ruux ayaa waxyeelo kasoo gaartay Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo maanta lala beegsaday xero Ciidanka xoogga dalka ay leeyihin oo ku taalla dhabarka dambe Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho.

Goobaha Caafimaadka ee gurmadka deg dega ayaa xaqiijiyay in sidoo kale dhaawacyo ay kasoo qaadeen goobta uu weerarku ka dhacay.

Dadka dhintay kuwo dhaawacmay ayaa ka mid ahaa Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan qeybta 27 aad.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Ciidanka dowladda , waxaana ay sheegeen qof ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab oo waday gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu galay xeradda.

 

 

Exit mobile version