Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Wasiirada Galmudug iyo Maamulka Cadaado

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Sabti ah booqasho Tariikhi ah ku tagay Magaalada Cadaado ee Dowlada Galmudug.

Dadweynaha Magaalada iyo Masuuliyiinta maamulka Galmudug ayaa Madaxweynaha si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Cadaado.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ay xusuus weyn ku leedahay Tariikhdiisa Magaaladan isla markana uu mudo ku noola sidoo kalana uu aabahii Daaci diinta dadka bara ka ahaa halkan.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa la kulmay Wasiiro katirsan Galmudug iyo Maamulka Magaalada Cadaado.
Kulan kan oo ahaa mid is barasho ah ayuu inta uu socday Madaxweynahu uga mahad celiyay Maamulka Magaalada Cadaado sida diiran ee ay halkan ugu soo dhaweeyeen.

Wuxuu sheegay Madaxweynahu in uu jacaylkii uu aabahii Magaaladan u qabay mid lamid ah uu u hayo Shacabka iyo Magaaladan isla markana uu mar walba niyada ku hayo.

Shacabka ree Cadaado ayuu Madaxweynahu ugu baaqay inay garab istaagan Dowlada Cusub ee Galmudug oo ay la shaqeeyaan isagoo sheegay in dadka deegaankan lagu yaqaanay Walaalnimo iyo is jacayl taas oo ka dhigtay meel mar walba lagu soo hirto.

Exit mobile version