Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dhageyso:-Dowladda Somalia oo faah faahin rasmi ah ka bixisay Shirkii Jabuuti

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin rasmi ah waxaa ay ka bixisay wada-hadalladii dhawaan Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland ku dhex-maray dalka Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in kulmadii ay yeesheen Guddiyada farsamada ay ahaayeen kuwo lagu abuurayay kalsooni dhisid iyo inay socdaan wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Wasiirka oo Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in wada-hadallada loo qorsheeyay inay guddiyada sii wadaan,isla markaana ay jiraan guddiyo Wasiiro ah oo 45 Cisho,kadib ay dib ugu laaban doonaan Jabuuti si ay u hubiyaan waxa u qabsoomay Guddiyada Farsamada.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2020/06/cod-1-Wasiirka-Arimaha-Gudaha-Soomaaliya-.mp3?_=1
Exit mobile version