Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Jabuuti oo shaacisay sababta uu u xiran yahay Duuliye Fu’aad Yuusuf

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay looga hadlay arrinta maalmihii lasoo dhaafay socotay ee ku saabsan xariga nin duuliye hore ah oo lagu magacaabo Fu’aad Yusuf Cali.

Waxay xukuumadda Jabuuti been abuur ku tilmaantay wararka laga soo tabiyay xaaladda duuliya.

“Maalmo badan waxaa la faafinayay sheekooyin salka ku haya mucaaradka oo ku saabsan eedeymo aan run ahayn iyo ku tiri ku teen aan xaqiiq ku dhisneyn oo ku saabsan xariga Fu’aad Yuusuf Cali oo la dhigay xabsiga Gaboode. Jamhuuriyadda Jabuuti waxay gaashaanka ku dhufaneysaa wararkan la isla dhex marayo oo ay daabaceen warbaahin ay ka mid yihiin kuwa dibadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lagu sharraxay lix arrimood oo dowladda Jabuuti ay ku eedeysay Fu’aad, ayna ku sheegtay sababta uu u xiran yahay.

6-da qodob ayaa kala ah sida hoos ku xusan:-

Waa markii ugu horreysay ee ay dowladda Jabuuti ka hadasho arrimaha duuliyaha.

Dhanka kale, Qareenka u doodaya duuliye Fu’aad Yuusuf Cali ayaa sheegay in lagu tuntay xuquuqda dastuuriga ah ee Fu’aad.

Exit mobile version