Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Senator Nuura Faarax” Wadahadallada Jabuuti waa mid uu olole doorasho ku galayo Farmaajo”

Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare agaar ahaan kuwa kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee soomaaliland ayaa waxaa ay ka hadleen wada-hadallada Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland uga furmay Wadanka Jabuuti.

Senator Nuura Faarax Jaamac oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare lana hadashay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in wada-hadaladaas ay ahaayeen kuwo u baahnaa in waqti hore la qabto.

Waxaa ay sheegtay in wada-hadallada Jabuuti ay yihiin mid ay olole doorasho ka dhiganayaan Madaxda Dowladda Fedearalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne farmaajo,isla markaana iyada siyaasado ay ka baqeysay a soo baxeen.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sanoter Nuura Faarax Jaamac.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2020/06/cod-1-Senatar-nuuro-farax-Jaamac-2.mp3?_=1
Exit mobile version